About us

Somaliland Nordic Relief waa urur samofal oo ay ku bahoobeen jaaliyadaha reer Somaliland ee ka dhisan dalka Sweden. Ururku wuxu dhaqaale ka helaa hay´adda caawimada Sweden ee SIDA oo u soo marisa dallada ay ku bahoobeen ururada samafalka Sweden ee la yidhaahdo Forum Syd. Ururku wuxu bixiyaa 10% kharashka ku baxa mashaariicda inta kalena SIDA ayaa bixisa.