Siminaaro lagu qabtay Somaliland november 2010

(SNR 2010-11-15)  UrurkaSNR waxa uu bishan november 8-12 ka qaybgalay siminaaro lagu qabtay magaalooyinka Hargeysa iyo Berbera. Siminaarada waxa soo qabanqaabisay hayadda caawimada ee Forum syd. Waxa ka qaybgalay siminaarada afar urur oo Sweden ka jira iyo afarta urur ee ay la shaqeeyaan ee deggen dalkii hooyo. Waxa urur walba uga qaybgalay laba qof. Forum syd waxa uga qaybgalay sarkaal ka socda xafiiska Stockholm iyo sarkaal ka socda xafiiska Nairobi. Ujeedada siminaaradu waxa ay ahayd in ururadu ay iswaydaarsadaan khibradaha ay u leeyihiin hawlaha samafalka iyo in laga wadahadlo mashaariicda mustaqbalka iyo waliba sidii ay ururadu iskula socon lahaayeen si aan caawimada loo wadagaynin meel kali ah. Ururadu waxa ay soo bandhigeen waxqabadkooda. Waxa ururadu isla qaateen in sannadka soo socda mashaariicda la dalbanayaa ay ku sahabsanaadaan horumarinta dumarka sida waxbarashadooda iwm.