Waxqabdka 1998-2002

Hordhac

Somaliland Nordic Relief waa urur samofal oo ay ku bahoobeen jaaliyadaha reer Somaliland ee ka dhisan dalka Sweden kaas oo la aasaasay 20 diisambar 1997.
Ujeedoonka ururku waa dib-u-dhiska dalka hooyo.

Waxqabadkii 1999

SNR waxa uu u diray dhakhtarka Burco sariiro iyo dhar 24 feeberwari 1999. Waxa kale oo ku jiray kontaynarkaas kuraasida iyo ulaha curyaamada oo ururku ugu deeqay ururka Sooyaal.

6 julay 1999 waxa ururku sidoo kale u diray sariiro iyo dhar dhakhtarka Hargeysa.

31 ogost 1999 waxa ururku sidoo kale u diray sariiro iyo dhar dhakhtarka Burco. Waxa kale oo la socday kuraasida iyo ulaha curyaamada.

15 diisember 1999 SNR waxa uu u diray 400 oo miis iyo kuraadidoodii Jaamacadda Hargeysa. Waxa kharashka doorkan intiisa badan bixisay jaaliyadda Somaliland ee magaalada London.

9 noofember 1999 waxa ururku u diray dhakhtarka Hargeysa alaab cusub oo aan badnayn oo ah kuwa loo adeegsado hawlaha dhakhtarka sida maqasyo iwm.

Waxqabadkii 2000

12 ogost 2000 ururku wuxuu diray 300 oo miis iyo kuraasidoodii oo loo qaybiyay jaamacadda Hargeysa iyo dugsiyada sare ee Ceerigaabo iyo Berbera.

Ururka SNR waxa kale oo uu ka qaybqaatay ururinta lacago naqad ah oo jaaliyadaha magaalooyinka Iswidhan ay wakhtiyo kala duwan u ururiyeen una kala direen magaalooyinka hoos ku xusan.

Fiiro gaar ah: Ururka SNR lacagahan gacanta looma soo galin ee warbixintooda ayay magaalooyinku u soo gudbiyeen si ay diiwaanka u gasho.

- 6 000 $ oo loo diray dhakhtarka Burco.

- 4 000 $ oo loo diray dib-u-dhiska madarasadda diinta lagu barto ee Ceerigaabo.

- 4 000 $ oo loo diray dib-u-dhiska ceelka biyaha ee Ceel-Afweyn.

- 500 $ oo lagu caawiyay dhismaha jaamacadda barashada diinta ee la qorshaynayo in laga dhiso Gebiley.

Waxqabadkii 2001

1. Waxaa la diyaariyay dastuur cusub oo ku qoran afka soomaaliga iyo afka Iswidhiskaba.

2. Waxaa ururka SNR uu xubin ka yahay ururka daladda guud ee Forum Syd oo ah urur la shaqeeya hay’ada kaalmooyinka bixisa ee dalka Iswidhan ”SIDA”. Taas oo lagu go’aamiyay shirsannadeedkii ururkaas oo dhacay 2001-05-19 kana dhacay Stockholm. Waxaanu ka warbixinay ujeedooyinka ururka SNR loo aasaasay iyo waxqabadkiisii intii uu jiray oo aanu qoraalo ugu gudbinay ururka Forum Syd.

Waxqabadka 2002

1. Waxa uu ururku ka dalbaday hay´adda Forum Syd mashruuc loogu talagalay Sooyaal Burco kaas oo bliaabmay 2003.