Waxqabdka 2003-2004

Mashaariicdii ka socday Burco muddada labada sano ah 2003 – 2004 ayaa la soo gabagabeeyay. Waxa wax ku bartay 121 qof oo bartay soomaali, xisaab, carabi iyo ingiriisi kuwaas oo kala ah 85 rag ah iyo 36 dumar ah. Waxa kale oo bartay dawaarka 48 dumar ah iyo  24 rag ah. Waxa kale oo bartay samaynta macmacaanada, cadarada, kiriimyada iwm 20 dumar ah. Waxa mashaariicda ku baxay lacag dhan 368 000 crowns oo qiyaastii wakhtigaa u dhigmaysay 45 000 oo dollar.

Forum Syd waxay ansixisay xisaabxidhkii iyo warbixintii aan ka soo qornay mashaariicda 2003 iyo 2004. Taasi waxay caddaynaysaa in aan si daacadnimo ku dheehan tahay uga soo baxnay hayshii la noo igmaday. Waxan mahad u celinaynaa ilaahay ka sokow Ing. Jaamac Yaasiin oo ka tirsan guddiga ururka oo mashaariicda gacanta ku hayay, kaas oo wakhtigaa deggenaa Burco. Waxa kale oo aan mahad u celinaynaa ururka Sooyaal maamulkiisa iyo xubnihiisa oo si fiican noola shaqeeyay. Waxa kale oo aan mahad u celinaynaa dhammaan xubnaha ka qaybqaatay bixinta dhaqaalaha ku baxay mashaariicda inta innaga la innaga rabay iyo ururka SOMSCAN oo qayb laxaad leh ka qaatay dhinaca dhaqaalaha oo bixiyay 20 000 crowns. Waxa kale oo aan mahad u celinaynaa Dahabshiil oo naga dhimay khidmadda dirista lacagta oo naga qaada 1.5 $ kaliya, taasoo mashaariicda cusubna uu naga qaado. Dhammaanteen ilaahay ha innaga abaalmariyo aamiin.