Waxqabdka 2006

Mashruuca Sooyaal Ceerigaabo

Mashruuca Ceerigaabo waxa ku baxday 91000 kr oo markaa u dhigmaysay 10 000 dollar. Mashruuca oo ku sahabsanaa barashada tolliinka dharka waxa ka faa´iidaystay oo wax ka bartay xubnaha ururka Sooyaal ee Ceerigaabo, kuwaas oo kala ahaa 38 dumar ah iyo 2 rag ah.. Mashruucan oo markii hore la bilaabay 2005 oo ay sannadkaa hore wax ka bartaan 24 dumar ah iyo 16 rag ah ayaa la sii waday 2006. Waxbarashadu waxay ka koobnayd laba teeram oo midkiiba yahay 5 bilood. Mashruuca waxa fuliyay ururka SCBO (Sanaag Community Based Organization).

Dhakhtarka xanuunada maskaxda ee Berbera iyo Hargeysa

Ururka SNR wuxu ka dhisay Hargeysa iyo Berbera laba xarumood oo lagu daryeelo xanuunada maskaxda oo maalintii lagu qaabilo dadka xanuunka hore loogaga daweeyay cusbitaalada magaalooyinka ee laakiin u baahan la socod iyo daawo iyo dadka xanuunku ku cusub yahay ee u baahan la socod iyo daawaba. Waxa xarunta Hargeysa laga dhisay xaafadda Kilalka Shanaad, waana laba qol oo laga dhex dhisay MCH-ka xaafadda. Berberana waa laba qol oo lagu dhinac qabtay MCH-ka magaalada. Waxa kale oo tababar la siiyay shaqaalaha cusbitaalada iyo dhallinyaro cusub oo loo tababaray shaqada xanuunada dhimirka. Waxa kale oo tababar la siiyay qaraabada dadka xanuunsanaya, si ay u fahmaan sida loola dhaqmo qofka xanuunsanaya.

Waxa kale oo mashruucu bixiyay mushaharka shaqaalaha ka hawlgala xarumaha. Waxa kale oo uu mashruucu bixiyay kharashka nadaafadda labada cusbitaal ee xanuunada maxkaxda, sida mushaharka shaqaalaha iyo kharashka qalabka nadaafadda. Waxa kale oo mashruucu dayactir ku sameeyay 10 qol oo ka mid ah dhakhtarka xanuunada maskaxda ee Berbera, waxana uu dhisay laba suuli/bathroom iyo meel dharka lagu maydho oo cusub oo lagu daray dhakhtarka Berbera iyo meel dharka lagu maydho oo cusub oo lagu daray dhakhtarka Hargeysa. Waxa guud ahaan mashruuca ku baxday 371 000 kr oo markaa u dhigmaysay 47 000 dollar, waxana mashruuca fuliyay ururka GAVO (General Assistance and Volunteers Organization).

 

 

Bidix ka bilow: 1. Berbera Mental Health Center. 2. Hargeisa Mental Health Center. 3 & 4 Berbera Mental Hospital oo la dayactiray. 5. Berbera Mental Hospital sida uu ahaa dayactirka ka hor.

Allaa mahad leh marka koowaad, marka labaadna dawladda Sweden oo ku deeqday kharashka 90%, marka saddexaadna ururada SNR iyo GAVO oo suurtogaliyay fulinta mashruuca