Waxqabdka 2007

Mashruuca dhimirka ee Berbera, Hargeysa iyo Burco

Waxa ururku soo gebagabeeyay sannadkii koowaad ee mashruuca xanuunada maskaxda ama dhimirka kaas oo bilaabmay bishii saddexaad ee sannadkii 2007 socona doona ilaa bisha labaad ee 2009. Mashruucu wuxu ku sahabsan yahay dhakhtarada xanuunada maskaxda ee Burco, Berbera iyo Hargeysa kuwaas oo laga caawinayo dhammaan kharashka nadaafadda sida mushaharka nadiifiyayaasha iwm iyo gunnooyinka maamulayaasha. Waxa mashruucu sii wadi doonaa oo kale kharashka ku baxaya xarumaha dhimirka Hargeysa iyo Berbera ee ururku dhisay 2006, sida mushaharka shaqaalaha xarumaha ka shaqeeya, kharashka tababarada shaqaalaha iyo qaraabada dadka buka iwm. Waxa kale oo la tababarayaa dhammaan shaqaalaha saddexda cusbitaal ee Hargeysa, Burco iyo Berbera iyo xarumaha dhimirka ee Hargeysa iyo Berbera. Waxa kale oo mashruucu fulinayaa wacyigalinta bulshada ee ku sahabsan dhimirka. Mashruuca waxa ku bixi doonta 637 000 kr oo qiyaastii u dhiganta 100 000 dollar, waxana fulinaya ururka GAVO.